Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Farmaajo uu jinsiyadda Mareykanka u celiyey dacwad looga furay Mareykanka darteed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan iska celiyay Jinsiyadii uu ka heestay dalka Mareykanka oo uu ku noolaa muddo dheer sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dad ka agdhow Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu wajahayo dacwad ay dad Soomaaliyeed ka fureen dalka Mareykanka dhowr bilood ka hor maadaama uu yahay muwaadin Mareykan ah.

Dacwadda Mareykanka laga furay ayaa la sheegay in ay geeyeen dad ay qaraabo yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo dalkaasi ku nool kuwaasi oo Madaxweynaha ku eedeeyay tacadiyo ka dhan Xuquuqa Bini-aadanka.

Sarkaal ka tirsan Xibisga Cadaaladda iyo Amniga oo uu aas aasay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur, ayaa Caasimada Online u sheegay in Maxkamad ku taala Mareykanka ay dacwad ka geeyeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana ay Maxkamadda aqbashay ama ay qabatay kiiska ka dhanka ah Farmaajo.

Caasimada Online ma cadeyn karto inuu jiri kiiska Dacwadeed ee la sheegay in Mareykanka looga furay Madaxweynaha Soomaaliya ay ka danbeyso celinta Jinisyadii Mareykanka balse waxaa jira in magaalada Muqdisho uu dhowr bil ka hor ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo Xisbiga Mukhtaar Roobow katirsan uu sheegay in ay dacweyn doonaan Madaxweynaha Soomaaliya.

“Farmaajo waan dacweyn doonaa kamana hari doono waxaana ballan qaadeynaa in uu ka qoomameeyo Farmaajo, dadkii uu ku dilay Baydhabo iyo Xaraggii Sheekh Mukhtaar” ayuu magaalada Muqdisho ka sheegay Yuusuf Xasan Mursal oo ay qaraabo yihiin Abuu Mansuur.

Dhowr su’aal oo kale ayaa ka dhashay sababta uu Madaxweynaha Soomaaliya u wareejiyay Jinsiyadii Mareykanka waxaana su’aalahaas isweydiinaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadda.

Si kastaba, qoraalka Villa Somalia kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qorshaha celin jinsiyadda Mareykanka uu madaxweynaha billaabay waxyar un kadib markii la doortay, taas oo macanaheedu yahay inay ka horreysay arrinta Mukhtaar Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this