Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo dib u eegtay liiska ururo iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo la xayiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)― Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicda ee UNDP ayaa liiska dadka aan lala macaamili karin bishii janaayo 2018 ku darty 18 Soomaaliyeed oo isugu jira ururo iyo shaqsiyaad lala xiriiriyay masuqmaasuq, hase ahaatee 30-ka bihsii July ka saartay hay’adda wadaniga ah ee Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO) oo ku xoogan deegaanada HirShabeelle iyo Banaadir.

Warbixin kasoo baxday hay’adda UNDP oo boggeeda lagu daabacay qoraalka xayiraada looga hay’adda Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO )oo lagu sheegay in aysan u qalmin ka mid sii ahaanshaha liiska hay’addaha iyo shaqsiyaadka la geliyay Black List ee aan lala macaamili karin, taasoo ka dhigan in xayiraad laga saaray macaamilka iyo xiriirada caalamiga ah.

“Guddiga dib u eegista ee hay’adda UNDP Vendor Review Committee (VRC) iyagoo eegay nidaamka geedi socodka maamul dhammaystiran oo ku saleysan natiijooyinka Xafiiska Hanti-dhowrka iyo Baarayaasha VRC ayaa waxay u oggolaadeen hay’adda SHARDO in xayiraada laga qaado, howlaheeda iyo xiriirada caalamiga ahna wixii ka danbeeyay 30 bishii July ay wadan karto” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNDP.

Hay’adda Shardo oo mudo ku dhow 20 sano ka howlgaleysay Labada Shabeelle iyo Banaadir ayaa ah hay’add wadani ah oo dhinaca mashaariicda wax ku oolka sida waxbarashada, caafimaadka iyo deegaankaba ku howlaneyd mudadii ay jirtay, waxayna xiriiro caalami ah la laheyd hay’adda UN iyo kuwa kale ee ka dhisan dalal dhowr ah.

Ilaa weli waxaa xayiraadda saaran 17 ururo iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo arrintooda ay socon doonto mudo u dhaxeysa 3 ilaa shan sano oo xayiraada sii saarnaan doontaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this