Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tacsi Ugu Tegay Qoyska iyo Ehelaha Guddoomiyihii Gobalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tacsida uu ugu yimid qoyska.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto.

 

 

kh2.jpg

 

kh3.jpg

kh5-1.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this