Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal ka baxsaday ‘ciidamo uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa isi soo taraya cabashooyinka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee laga tirsanayo Madaxweynaha waqti xileedkiisu sii dhamaanayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Iyadoo lagu howlanyahay dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Jubbaland, ayaa waxaa Kismaayo ka jirta caburin lagu hayo wax garadka, siyaasiyiinta iyo dhamaan Bulshada reer Jubbaland, kuwaas oo si toos ah looga tirsanayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Nabadoon magaciisa aan kusoo koobnay Cabdi sababo amni dartood oo kamid Nabadoonada reer Jubbaland ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa Radio Kulmiye u sheegay in ciidamo uu usoo diray Axmed Madoobe ay usoo dhaceen Gurigiisa iyagoo asaga raadinaya, balse waxa uu sheegay Nabadoonku in xiligaas uu ka maqnaay guriga, isagoo sheegay in Ilmihiisa lagu handaday iney sheegaan meesha uu jiro.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay inuusan kaligiis dhibkaas qabin, balse labaacsanayo dhamaan waxgaradka ku nool magaalada Kismaayo, waxuuna  dowladda federaalka ka dalbaday inay wax ka qabato oo aysan indhaha ka fiirsan xaalada aday oo sida uu sheegay ku heysata Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu balansanyahay in dabayaaqada bishaan lagu qabto doorashada maamulka Jubbaland, hayeeshee ilaa hadda ma muuqato saansaan muujineysa in bishaan doorasho ka dhacdo Kismaayo.

Hoos ka dhageyso codka nabadoonka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/CODKA-Nabadoon-Cabdi-Kismaayo..mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this