Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareebo oo lagu wareejiyay ciidanka Danab ee DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeyay ciidanka Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka kula dardaarmay in adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo maamulka Galmudug.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

1-12.jpg?w=1000&ssl=1 2-8.jpg?w=1000&ssl=1 3-11.jpg?w=1000&ssl=1 4-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoonka diyaaradaha Dhuusamareebo oo lagu wareejiyay ciidanka Danab ee DFS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this