Sign in to follow this  
Deeq A.

DF ma ammaanka Dhuusamareeb ayey la wareegtay mise maamul ayey afduubatay?

Recommended Posts

Deeq A.   

ASKARI XAMAR LAGA WADAY MASUGI KARAA AMNIGA DHUUSAMAREEB?.

Muqdisho oo aan ognahay sida uu u dayacanyahay amnigeeda, oo dhawaan xafiiskiisa lagu qarxiyay duqii Muqdisho, xarun walba ee dowladeedna jid u xiranyahay askariga laga waday ee la geeyay dhuusamareeb labbo sababood uma sugi karo amniga Dhuusamareeb

1- Aqoon darro deegaan oo ah sababta ugu weyn ee uusan uga howl gali karin askariga la geeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxaa amnigeeda sugayay ciidamo deegaanka ah oo la socday qof walba ee kusoo kordho magaalada, waxaana isi soo diiwaan galin jiray shaqsi walba ee ku cusub magaaladaas si loola socdo dhaq-dhaqaaqiisa.

2- Ahlu sunna oo qabto tuhun ah in ciidamada dowladda ay ku dhexjiraan askar kasoo goosatay Al Shabaab.

Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna ayaa aaminsan in ciidamada dowladda ay ka dhex buxaan askar kasoo goosatay Al Shabaab sidaas darteedna aan lagu aamini karin ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

ASKARIGA DHUUSAMAREEB LA GEEYAY MUQDHISHO MAKA MAARANTAY?.

Magaalada Muqdisho oo ah halka laga kaxeeyay ciidamada la wareegay ammaanka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ah mid aan sugneen amnigeeda, waxaa ka dhaco qaraxyo, weerarro lagu qaado xarumaha dowladda iyo Hotelada iyo dilal qorsheesan.

Dowladda oo xoogga ugu badan saartay wadada Maka Al Mukarama ayaan wali ku guuleysan sugidda amniga wadadaas dheer iska dhaaf magaalada oo idil.

MAXUU YAHAY DAMACA DOWLADDA EE DHUUSMAREEB?.

1- in dowladda Federaalka ay maamusho doorashada soo aaddan ee Galmudug, si ay usoo saarato shaqsi ay iyada wadato, sida hore uga dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

2- in ay wiiqdo awoodda Ahlu sunna oo ah urur diimeed mayal adag, feejignaan dheerna uga jira dowladda, sidoo kalena doonaya in ay gacantooda soo gasho maamulka Galmudug oo ah mid dhex-yaallo 11 qabiil oo daga deeganada maamulkaas.

3- in ay ka hor istaagto soo laabashada xildhibaanada Federaalka kasoo galo Galmudug oo intooda badan ah kuwo aan la dhacsaneen siyaasadda dowladda Farmaajo, taas oo badalkeeda dowladda ay damacsantahay in ay kasoo saarato xildhibaano iyada taabacsan.

4- In lasoo afduubo madaxda Ahlu Sunn iyo cid walba ee aan dowladda wadan ee isku soo sharaxdo doorashada Galmudug, isla markaana loo arko in ay ku guuleysan karto doorashada soo aaddan, sida hore ugu dhacday Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.

Hadii ay intaas iskugu aaddo dowladda Federaalka ah ee Soomaalia waxaa gacanteeda soo gali doono maamul goboleedkii labaad, ka dib Koonfur Galbeed.

Waxaase shaki gali karo sii ahaanshaha mid sugan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayadoon jid la xirin, dhagaxaan la dhigin, AMISOM-na la geen, jiritaanka awooddii Ahlu sunna, qanaacada beelaha dega deegaanada Galmudug iyo soo laabashada xildhibaannada aan taabacsaneen dowladda Farmaajo.

W/Q:- Nuune Ali Hassan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this