Sign in to follow this  
Deeq A.

Aaska marxuum Eng. Yariisow oo dib u dhac ku yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd meydka marxuumka.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho.

“Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Injineer Yariisoow, ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan guddoomiyahii Ummadda Sooaamliyeed, wuxuuna mar kale Alle ugu baryay in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo.

Innaa Lilaah Wa innaa ileyhi raajicuun.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this