Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo cabasho ka muujisay lebbiska guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Sabtida Maanta Shir jara’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa dhaliil culus u jeediyay Xisbiga mucaaradka ah ee waddani.

Wasiirka ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku eedeeyay in uu taageero jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ee la’dagaallanta xukuumadda Muuse Biixi, isagoo xusay in jabhaddaasi tahay gabab ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Kuma lihi, reer ahaan baad wax isugu tihiin Caarre, laakiin waxaan aqoonsanahay in uu farac isaga ka baxay yahay, farac isaga ka baxay in uu yahay, sida uu ugu damqanayo oo ugu hadlaayo” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu cabasho ka muujiyay habka guddoomiyaha xisbiga Waddani u lebbisnaa. mar uu xukuumadda Muuse Biixi ku dhaliilayey arrimaha siyaasadda iyo colaadaha ka jira degaanno ka tirsan Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhanka kale ammaanay guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay mucaarad xalaal ah oo difaaca Somaliland, markii debadda laga soo weeraro.

Dhinaca kale, wasiirka aya ka jawaabay hadal ka soo yeeray dowladda seychelles oo sida la sheegay cambaaraysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland.

Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Somaliland oo cabasho ka muujisay lebbiska guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this