Sign in to follow this  
Deeq A.

45 Maalin kadib RW Kheyre oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  iyo wafdi uu hogaaminayay  ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii safar qaatay inkabadan bil uu ugu maqnaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole.

Mudadii uu booqashada ku joogay Ra’iisul Wasaare Kheyre deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas.

Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxana uu ku guuleystey ra’iisul Wasaare Kheyre in heshiis ay la gaarto dowlada federalka ah ururka Ahlu Sunna isla markaana ay dowladu la wareegto ciidamadii iyo hubkii ururka Ahlu Sunna,iyadoo boqolaal ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna ay ku biireen ciidamada dowlada federalka.

Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli maanta la sugayay in la keeno dalka meydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this