Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo seefta la baxay iyo mas’uuliyiin xilalkooda waayi doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filay in uu todobaadkan mar kale magacaabo mas’uuliyiin cusub oo ka tirsan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland, si uu u sii dhammaystiro isbeddelka maamul ee uu soo waday todobaadyadii tegay.

Isbeddelka uu madaxweynuhu ku samaynayo agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda oo todobaadkii la soo dhaaafay hakad-galay, maadaama la xusayey munaasabadda 1-da Agoosto, ayaa la sugaya in uu todobaadkan dhammaystiro.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynuhu uu todobaadkan isbeddel ku samayn doono agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada Wasaaradaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta kale ee dowladda. Isbeddelkan ayaa sida la sheegayo saamayn doona wasaarado kala duwan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa isla todobaadkan magacaabi doona, 5 xubnood ee u horreeya guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, kadib markii ay is-wada casileen xubnihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland ee (TPEC).

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa madaxweynuhu soo bilaabay, isbeddelka la sugayo in uu haatan sii dhammaystiro, iyadoo uu hore u magacaabay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradaha iyo mas’uuliyiin kaleba.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo seefta la baxay iyo mas’uuliyiin xilalkooda waayi doona appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this