Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre: Dhuusamareeb Xiisihii loo qabay waa boqol jibbaarmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada

Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kalsoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 2.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 4.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Khayre: Dhuusamareeb Xiisihii loo qabay waa boqol jibbaarmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this