Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: KHAYRE oo amaro culus siiyey ciidamada la wareegay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shir looga hadlayey amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauduud.

Khayre ayaa faray ciidanka isku dhafka ah ee lagu wareejiyey amniga Dhuusamareeb in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada amray inay la yimaadaan qorshe lagu dar-dar gelinayo amniga, maadaama dhawaan shirka dib u heshiisiinta uu ka furmayo halkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu kala hadlay sarakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay si rasmi ah dowladda Soomaaliya ay ula wareegtay amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

4.jpeg 1.jpeg 2.jpeg 3.jpeg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this