Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Guddoomiyaasha degmooyinka Muqdisho oo habeenkii tababar loo furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ayaa la ogaaday in ay tababar ku qaataan dugsiga tababarka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye ee gobalka Banaadir.

Guddoomiyaashaan oo la doonayo in ay kamid noqdaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa la sheegay in tababar waqti kooban soconayo looga furay dugsiga tababarka Booliiska waxaana la qaataa cashirada habeenada qaar.

Tababarka oo waqti kooban socon doono ayaa la qaataa cashiro ku saabsan qaabka salaam qaadashada iyo shuruucda kale ee Booliiska.

Lama oga in go’aankaan uu yahay mid Guddoomiyaasha ay gaar u qaateen iyo uu yahay go’aan ka soo baxay madaxda Dowladda Soomaaliya maadaama ay xaalado adag oo dhanka amaanka ay ka jirto Muqdisho.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in go’aankaan uu yahay mid ay guddoomiyaasha qaateen si ay badabaado ugu noqoto markii ay dhacdo in xilka laga qaado.

Guddoomiyaal badan oo xilalka laga qaaday ayaa hadda ku dayacan Muqdisho iyo gobalada dalka waxaana la filayaa in ay wadaan dadaalo ay ugasii mid noqonayaan Xeyn-daabka dowladda hadii isbadal dhaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this