Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino uu goordhow ka dhacay waddada Afisyooni ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee booliska.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ciidamada ay waxyeello gaartay, balse weli lagama hayo faah-faahin buuxda. Ciidamada ayaa rasaas xooggan furay kadib qaraxa, waxayna sidoo kale xireen waddada.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this