Deeq A. Posted August 2, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay. Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay. Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga Soomaaliya. Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow, oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug isaga laga soo doortay. Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites