Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo maxaabiis ku wareejisay odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti madax-dhaqameed ah uu hoggaaminayey guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Muqdisho oo ka qabsoomay xalay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa hoggaanka dhaqanka beeha Muqdisho madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo burcad-badeednimo ugu xirnaa Somaliland , kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhowaan cafis u fidiyay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa isla maanta oo jimco ah odoyaasha ku wareejiyay 19-kii maxbuus ee madaxweynaha Somaliland cafiyay waxaana ay u ambabaxeen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran

  • 1-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo maxaabiis ku wareejisay odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this