Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Odayaasha Hawiye oo MUUSE BIIXI kala soo wareegay maxaabiis la cafiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Mogadishu Clan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ayaa maantaba u ambo baxay magaalada Muqdisho iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey.

Maxaabiista la cafiyey ayaa muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka

67475230_2305348586245648_53223597055473 67505055_2305348476245659_43397247937093 67575999_2305349152912258_74300636069699 67774181_2305348566245650_30625710937777 67784579_2305348772912296_54953539058291 67788295_2305348859578954_69618652191234 68356057_2305349096245597_12407960544466 67398345_2305348112912362_75703237354801 67894106_2305348262912347_89330092395053

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this