Deeq A. Posted August 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in cadaaladda lasoo taago cid walba oo ku lug-lahayd weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee isbuucii hore. Wakiilka UN-ka u fadhiya Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in falalka noocaasi oo kale ah loo baahan yahay in ay u midoobaan shacabka Soomaaliya. Dowladda ayaa shaacisay in ay baaritaan ku waddo qaraxan, waxayna balanqaaday in ay natiijada lasoo wadaagi doonto dadweynaha. James Swan, ayaa dhanka kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Eng Yariisow, duqii hore Muqdisho ahaanna gudoomiyihii gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa shalay wuxuu ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawac kasoo gaarey falkaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabti ah laga soo dejiyo magaala madaxda waddanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u magacowday Aaska Injineer Yariisow, kaasi oo la rajeynayo in si maamuus sare ah loo duugo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites