Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha amniga Jubbaland oo amar la dul-dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee maamulkaasi.

Sarakiisha ayuu faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno ragii geystay falalkii amniga lidka ku ahaa ee ka dhacay Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin.

Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this