Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay sugidda Amniga Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Munaasabadda ay dowladda Federaalka kula wareegtay amniga Dhuusamareeb, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa munaasabaddaasi ka sheegay in howlaha dib u-heshiisiinta Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan.

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa isna halkaasi ka shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si buuxda ula wareegtay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxa Golaha xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan , ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka amniga sugaya wixii ka soo hara ciidamada kale la gayn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dr Cabdiraxmaan Cadullaahi Baaddiyow oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb.

  • 1-9.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3-9.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 4-9.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 5-8.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8-5.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 9-8.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 10-6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 11-8.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay sugidda Amniga Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this