Deeq A. Posted August 2, 2019 Kismaayo (SMN) – Iyadoo qaban-qaabo loogu jiro sidii ay doorasho uga dhici lahayd degaanada maamulka Jubalanad ayaa waxaa jira dhinacyo iska soo horjeeda oo aragtiyo kala duwan ka qaba hanaanka loogu diyaar-garoobayo doorashadaasi. Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo Jubbaland ayaa qirsan in Axmad Madoobe, madaxweynaha maamulkaasi uu u xusul duubayo soo noqoshada mar kale, arintaas darteedna u wax kasta u samayn karo. Arimaha tuhunka badan dhaliyey ayaa ah qaraxyada iyo dilal qorshaysan ee ka dhacaya Kismaayo, kuwaaso dad qaar ay la yaaban yihiin waxa kusoo beegay xiligan aadka xasaasiga u ah. Nabadoon Badal Jaamac Xirsi Badal Laangare oo kamid ah Waxgaradka ku sugan Magaalada Muqdisho, deegaan ahaana ku abtirsada Jubaland ayaa saluug badan ka qaba sida doorashada loo maamulayo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiso arimahan. Kismaayo waxaa ku sugan Murashaxiin badan oo ku tartamaya kursiga Madaxweynaha Jubalanad, kuwaaso cabsi badan ka qaba in uu faragalin ku sameeyo doorashada Madaxweynaha uu waqtiga kasii dhacayo ee Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites