Deeq A. Posted August 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta lagu guda jiro maalmaha baroor-diiqa ee Eng Yariisow. Jenaraal Maxamed Xuseen Madaale, oo ku hadlayey afka taliyaha guud ee bileyska, ayaa shaaciyey in ciidamada la geliyay heegan sarre. Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay lasoo wadaagan taliska waxyaabaha ay ka shakiyaan si looga hortago kahor inta aysan waxyeelo sababin. Dhinaca kale, Mr Madaale ayaa wuxuu sheegay in isaga oo wakiil ka ah taliyaha Booliska uu tacsi u dirayo qoyska marxuumka. Sikastaba ha ahaatee, maalinta berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in meydka marxuum Eng Yariisow la keeno magaaladda Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites