Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Ciidamada DF oo la wareegay Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa 31-kii July shaacisay in kooxda Ahlu-Sunna ay ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagaya Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen.

Shir Jaraa’id oo goor dhow ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wada jir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

Wasiirka amniga Ducaale oo isna goobta ka hadlay ayaa Ku dhawaaqay In dowladda Soomaliya mas’uul ka tahay ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Shaakir ayaa isna sheegay in ay ugu mahad celinayaan dowladda faderaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso dismaha maamulka Galmudug.

“Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb waxaa loo saari doonaa banaanka magaalada, waxaana amniga gudaha la wareegaya ciidamo gaar ah oo dowlada faderaalka Soomaaliya u diyaarisey amamanka doorashadda” ayuu yiri madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Shaakir.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this