Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta soo saaray amar cusub oo la xiriira Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkaasi ayaa amray inay xoojiyaan amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha looga fadhiyo inay adkeeyaan nabad gelyada inta inta lagu guda jiro doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ay soo gabagabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkii dhawaan ka dhacay hoteelka Cascasey iyo dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweyne Axmed Axmed ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamadiisa kula dar daarmay inay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan shacabka qeybihiis kala duwan.

Dhankooda saraakiisha ka qeyb galay shirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan howlgalladooda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah nabad gelyda.

Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.

50.jpg 10.jpg30.jpg 40.jpg20-1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this