Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti: Mar walba waxaan garab taagannahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii u timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle.

Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jabuuti: Mar walba waxaan garab taagannahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this