Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle oo war ka soo saaray geeridii Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ka hadlay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan (Yariisow) oo shalay ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Qatar.

Ugu horreyn madaxweyne Geelle ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Yariisow.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle.

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay garabkiinna, dowladda iyo shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Cabdiraxmaan Yariisow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistii Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo todobadkii hore ka soo gaaray weerar lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this