Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhawaaqday waqtiga la aasayo guddoomiyihii G/Banaadir diyaaradna u direyso Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan, ahna guddoomiyaha guddiga loo saaray Aaska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaciyey in Marxuumka beri aas qaran loogu sameynayo magaalada Muqdisho.

Wasiir Canshuur ayaa  sheegay in diyaarad qaas ah loo dirayo dalka Qatar, taas oo soo qaadi doonto Meydka Marxuum Injineer Yariisow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay isku diyaarisay aaska guddoomiyihii maamulka gobolka Banaadir.

Injineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq ah.

Allaha u naxariistee guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shalay galab ku dhintay isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii 24-kii bishan Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kuma aysan dhawaaqin natiijada ka soo baxday baaritaanka weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this