Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay qodoba kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa hanbalyo u diray Shacab waynaha Puntland xuska sanad guurada 21-aad 1-da Ogoosta ee Asaaskii Puntland 1998.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadal ka jeediy Xuska Munaasabadda 1da Ogoosta oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in Puntland 21-kii sano ee la soo dhaafay ay ku tallaabsatay horumar ballaaran, amnigeeduna uu yahay mid taabo galay.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay arimaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa uu sheegay in gobolaadi ay kaalinta kowaad kaga jireen Aasaaskii Puntland oo kaalin wayn ku lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in gobolaadi ay Puntlandba iyagu yihiin oo la’aantood Puntland aysan cagaha isku taagteen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in dhammaaan goboladii iyo dadkii samaystay Puntland oo dhan ay wada qayb galaan dabaal degga xuskan, waxaana uu caddeeyay in inta aan ka qayb galin ee la kulmaya caburinta iyo caga juglaynta ay ka qayb gali doonaan sanadaha soo socda.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa u mahad celiyay dhammaan madaxda iyo marti kale xafladda ka soo qayb galay, waxaana bogaadiyay guddiga barnaamij soo agaasimay sida qurux badan ee ay howshaan uga soo dhalaaleen.

Halkaan hoose ka daawo muuqalka iyo sawirada

  • 1-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-6.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay qodoba kala duwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this