Deeq A. Posted August 2, 2019 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Munaasabaddii Xuska 1-da Agoosto ka shaaciyay, in ay diyaar yihiin 1500 (kun iyo shan boqol) oo booliis ah, kuwaasi oo soo dhammaystay tababar ay u furtay dowladda uu hoggaamiyo. Waxa kale oo uu sheegay in la dayac-tiray Xeryihii ciidanka Daraawiishta Puntland, islamarkaana ay dardar ku socoto Kala hufidda ciidamada iyo sare u qaadidda aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda. “Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sugidda amniga iyo dhismaha ciidan xoog leh oo ku filan ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca xuduudaha Puntland. “Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay, waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland, kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Deni sheegay in dowladdiisu tababartay 15oo oo askari appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites