Deeq A. Posted August 2, 2019 Muqdisho (SMM) – Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Is-gaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Sabtida dalka la keenay Meydka Yariisow. Eng Cabdi Canshuur ayaa tilmaamay in marxuumka Aas qaran loogu sameyn doono magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa shalay wuxuu ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee xarunta dalka Qadar. Duqii hore ee Muqdisho ayaa kamid ahaa tobanaan ruux oo ku naf-waayey weerarka isbuucii hore lagu qaaday xarunta dowladda Hoose. Dhinaca kale, wasiir Canshuur ayaa wuxuu tacsi u diray ehelada marxuumka, oo uu tibaaxay in lagu xusuusan doono wax-qabadkiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites