Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan qaybo kamida Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in xiisad xoogan oo u dhaxeysa ciidamada xooga dalka iyo kuwa Kenya ay ka taagan tahay qaybo kamid ah gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ayaa ka warbixiyey waxay salka u hayso xiisadda.

Mr Rufle ayaa daboolka ka qaaday in xiisada ay salka ku hayso dhibaatooyin ay ciidamada Kenya u geysanayaa shacabka Soomaaliyeed.

Sarkaalka ayaa hoosta ka xariiqay in xoogaga difaaca qaranka ay ka dhiidhiyeen arrintaasi, ayna is-hor-istaag ku sameeyeen dhigooda Kenya.

Isaga oo sii hadlaya ayaa ku nuux-nuux saday in xiisadda ay sababtay in aysan wax wadashaqeyn ah aysan dhex-marin labadda dhinac.

Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday in ay soo farogeliso arrintan, isla markaana ay kaalin ka geysato sidii ciidamada Kenya u joojin lahaayeen dhibaatadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this