Deeq A. Posted August 2, 2019 Jabuuti (SMN) – Duqa magaaladda Jabuuti ee caasimadda waddanka Jabuuti ayaa ka hadashay geerida duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Marxwo Faadumo Cawaale Cismaan oo tacsi u dirtay ehelada Marxuumka ayaa waxay Yariisow ku sifeysay “shaqsi afgaaban oo xushmad badan”. Naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa ayay shaaca ka qaaday in ay u rajeyneyso, iyadda oo arrintaasina EBBE uga bariday. Marxuumka ayaa shalay ugu geeriyooday dalka Qadar dhaawacii kasoo gaarey weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday xafiiskiisa kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday guddi ka shaqeyn doono Aas-ka marxuumka oo lagu wado in Sabtida la keeno magaala madaxda. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray in calanka hoos loo dhigay muddo saddex casho ah, taasi oo ah mid loogu baroor-diiqayo marxuumka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites