Sign in to follow this  
Deeq A.

Muungaab oo shaaciyey shaki ku saabsan qaraxii sababay geerida Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si adag kaga hadlay qaraxa 24-kii bishii July ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar, kaasoo sababay dhimashada masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Xasan Maxamed Xuseen ayaa ku waramaya in qaraxan uu shaki weyn ku abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in mugdi weyn uu ku gadaaman yahay sida uu ku dhacay qaraxaasi.

“Qaraxii sababay geerida Gudoomiye Yariisow, Masuuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa isbitaalada, kana dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Waxa Madaxda Qaranka uu ka dalbaday inay cadeeyan sida uu qaraxaasi ku dhacay, cidda fulisay, isla-markaana ay iftiimiyaan cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni-darro ee jiro.

“Sida uu qaraxa u dhacay, cidda fulisay, cidda fududeysay iyo cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni ee aan indhaha laga qarsan karin.” Ayuu yiri Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Somaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino Madaxda Dalka iyo hay’adaha amniga.”

Muungaab ayaa soo hadalqaaday in Gudoomiye Yariisow laga horjoogsaday in si caadi ah uu ugu adeeggo bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, lagana shaqeeyay in si fudud loo shirqoolo.

“Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax kaalin muuqata ah uu ku yeesho nabadgelyada gobolka uu xaakimka ka ahaa ee Banaadir, xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama amar qaadan jirin, dabadeedna si fudud loo mishimay.” Ayuu yiri Muungaab, oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this