Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan ciddii ka dambeysay dilkii Sudaan Cabdirshiid Durre

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday Suldaan Cabdirashiid Durre oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Suldaanka ayaa Xalay waxaa dhaawac culus u geestay Rag ku hubeysan qore AK 47 ah, isagoo ka soo baxay masjid uu ku soo dukaday Saaladda Maqrib waxaana meesha ka baxsaday kooxdii dhaawac fulisay.

Dilka oo ka dhacay Xaafadda Calanley ee Kismaayo ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay dilka fuliyeen rag watay dareeska Ciidamada Jubaland. Dadka degaanka ayaa sheegay in goobta lagu dilay Suldaanka ay joogeen Ciidamo Booliis ah, islamarkaana aysan waxba ka qaban dilka.

Maamulka Jubaland oo aan la xiriirnay waxay sheegeen inaysan ogeyn cidda dishay Suldaanka, balse ay tuhmayaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hay’adaha ammaanka Jubaland faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii falkan ka danbeeyay.

Qaar ka mid ah ehelladiisa ayaa sheegay inaysan jirin wax shaki ah oo laga qabo in Suldaanka ay dileen Al-Shabaab, sababtoo ah waxa uu maalmo ka hor ka yimid degaanka Dhasheeg-Waamo oo qiyaastii 40 KM u jira Kismaayo islamarkaana ay maamulaan Al-Shabaab.

Suldaanka ayaa ka soo laabtay degaankaas oo ay daganaayeen Xubno kamid ah qoyskiisa sidoo kalane loogu haayo Xoolo uu leeyahay waxaana la sheegay in ay halkaasi si buuxda u maamulaan Al-shabaab.

Sidoo kale Suldaanka ayaa shalay kulan uu laqaatay Odayaal kale iyo dhalinyaro ka dalbaday in ay ka soo horjeestaan qaabka Xulista Baarlamaanka Jubbaland u wadaan guddiga doorashooyinka maamulkaasi.

Ka hor inta aan loo yeerin ayaa la sheegay in laga dalbaday in uu raali gelin ka bixiyo hadal uu ka sheegay kulankaasi oo ku saasbanaa in ay iska difaacaan Axmed Madoobe haddii uu soo weeraro beeshiisa oo dhibaato ka qabta qaabka soo xulista Baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay dilka marxuunka waxa uuna dalbaday in la soo qabto Axmed Madoobe si loogu ciqaabo tacadiyo uu ka geestay Kismaayo iyo Guud ahaan Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this