Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN)  – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah oo la socday Mooto mareysay halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof oo isugu jiray askar iyo shacab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this