Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii G/ Banaadir oo ku Geeriyooday dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooxa (SMN) – Guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  ayaa goor dhow ku geeriyooday gudaha dalka Qatar.

Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalkaasi, halkaasi oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii xooganaa ee dhawaan ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this