Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ku geeridooday dalka Qatar oo todobaadkii hore loo qaaday kadib markii dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faafisay geerida guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow.

Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta Qqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Eng. Yariisow.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this