Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka tirsan odayaashii la kulmay Al-Shabaab oo xabsi loo taxaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan Cabdi Casiis Duurow ayaa sheegay in odayaal dhaqameed la kulmay Al-Shabaab  ay u xireen Degmadaasi.

Tirada odayaasha la xiray ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 5 qof, kuwaasi la tilmaamay in ay kulan la soo qaateen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan odayaasha ay xireen, islamarkaana waxaa uu sheegay in odayaal kale hada ay baadi goobayaan, kuwaasi oo ku sugan bartamaha degmada Buula burde ee Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa  uu digniin u diray odayaasha xiligan doonaya in ay kulan la qaataan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

15-ka July  ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ay soo saareen  amar ay ku fareyso Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadan degaanada ay maamulan.

Warsaxaafadeedka ayay ku sheegtay Al-Shabaab in ay khaarijin doonto odayaasha aanan u hogaan-samin fariintooda, inta fulisana ayay sheegtey in ay “ammaan siin doonto” 

Caasimada Online
Xafiiska Buul Burte
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this