Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin U Dhashay Ingiriiska Oo La Hor Keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Nin u dhashay dalka Britain oo magaciisa la yidhaa Andrew Braian Irlam ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir ee dalka Somalia.

2019731637001761361820809maxkamad.jpg

Ninkan Ingiriiska ah ayay soo xidhay hay’adda amaanka u qaabilsan Somalia bishii January ee sanadkan 2019-ka, kaas oo markii la xidhay doonayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaana lagu eedeeyey inuu dhoofinayey oo uu doonayey inuu diyaarad la koro walxaha qarxa, sida ay sheegeen hay’addaha amaanka Somalia.

Hase yeeshee Xeer-ilaalinta Somalia ayaa ku eedeeyay Andrew Braian Irlam inuu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in aanu ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso xili uu doonayey inuu ka duulo Madaarka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport.

Ninkan la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir ayaa intii uu ku xidhnaa xabsiga dhexe waxa la sheegay inay ku weerareen maxaabiis la xidhneyd, kuwaas oo hore uga mid ahaa ururka Daacish waxaana soo gaadhay dhaawacyo fudud.

Maxkamada ayaa guud ahaan dhageysatay eedaha ka dhanka ahaa Andrew, iyadoo wali Maxkamaddu aanay ku dhawaaqin xukunka lagu riday ninkaasi Ingiriiska ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this