Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo iska celiyay jinsiyadda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu celiyay jinsiyadda labaad ee uu ka haystay waddanka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.

DHAMMAAD

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this