Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarun laga soo abaabuli jiray weerarada ismiidaamiinta ah oo la burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lala beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in duqeyntaasi lagu burburiyey xarun lagu keydiyo qaraxyada lagu xiro gawaarida, laguna diyaariyo shaqsiyaadka is qarxiya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa sare u kacay weerarada xagga cirka  ah iyo kuwa dhulka ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this