Sign in to follow this  
Deeq A.

Amniga xarunta gobolka Banaadir oo isbedal ballaaran lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii xooganaa ee 24-kii bihsii hore ee July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga xaruntaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Xamar.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Ibraahim Mahad Alle oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaciyey in isbedal ballaaran lagu sameeyey ammaanka dhismaha xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Mahad Alle ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay heegan ku jiraan, islamarkaana ay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadkooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli hay’adaha amniga dowladda ay wadaan baaris ku aadan dhacdadii gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ayaa ugu dambeyn warbaahinta u sheegay inay si caadi ah u socdaan shaqooyinkii caadiga aha ee maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday dowladda hoose, waxaa gaabis uu ku yimid howlihii xaruntaasi, kadib markii ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal ka tirsanaa gobolka, sidoo kalena ay ku dhawaacmeen mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiye Injineer Yariisow oo weli lagu daaweynayo dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this