Deeq A. Posted August 1, 2019 Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwo taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow oo u xiran DFS iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolkaasi. Ciidanka K/galbeed iyo kuwa Roobow ayaa la sheegay iney ku baxeen deegaanno ku dhow Tuulada Abal halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Maxamed Macallin, guddoomiyaha degmada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay ka saareen deegaanno dhowr ah, islamarkaana bur-buriyeen saldhigyo urukaasi lahaa. “Waxaan qabannay degaanno ay nabad diidka dadku ku dhibaateyn jireen, waxaan ka bur-burinnay saldhigyo waaweyn oo ay iska soo abaabuli jireen, hubna waa laga qabtay” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan la sheegay in lagu gaarsiiyey khasaaraha badan. Deegaanno badan oo gobolka Bakool ah waxaa maamusha Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay go’doon geliyeen degmooyin ku yaalla gobolkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites