Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka hadlay dil ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre.

Marxuumka oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland ayay dabley ku dishay magaaladda Kismaayo, fiidnimadii Talaadadda isaga oo kasoo baxay Masjid.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha Shacabka ree Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

Hogaamiyaha dowlad goboleedkaasi ayaa falkaasi wuxuu ku eedeeyay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Hay’adaha amaanka ayuu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falkan.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa tan iyo xalay waxay xarunta gobolka Jubadda Hoose ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda, wallow aanan hadii dad lagu soo qabqabtay dhaqdhaqaaqyadaasi.

Dilka oday dhaqameedkaasi ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo degaanadda Jubbaland gaar ahaan magaaladda caasimada ku meel gaarka ah ee Kismaayo laga dareemayo diyaar-garowga doorashadda oo loo muddeeyay 24-ka bisha August.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this