Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobolka Banaadir oo balanqaad u sameeyay degmooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday degmooyinka loo dhameystirayo adeegyada aas-aasiga ah.

Ibraahim Cumar Mahad-alle oo tilmaamay in ay wadaan mashaariicyo kala duan ayaa xusay in ay isugu jira dhinacyadda Waxbarashadda iyo Caafimaadka oo muhiim u ah muwaadiniinta.

Ku simaha duqa caasimadda Soomaaliya oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda Muqdisho ayaa shacabka ku booriyey in ay kala shaqeeya ciidamada sugida amniga.

Ugu dambeyntii, Mr Mahad-alle oo ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha dadweynaha ayaa tilmaamay in cashuurta laga qaado shacabka aysan ku dhicin jeebabka cid gaar ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this