Deeq A. Posted August 1, 2019 Garowe (SMN) – Xuska 1-da August oo ah Maalintii la asaasay Maamulka Puntland ayaa Todobaadyadii ugu Danbeeyay Diyaargarow geeda laga dareemayey Deegaanada Maamulka. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku sugan Magaalada Garoowe waxaa ayna Maanta ilaa caawa ka qaybgali doonaan Munaasabado waaweyn oo lagu maamusayo Maalintan oo qiimo Weyn uleh Shacbiga iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland. Magaalada Garoowe Barxad ay caan ku tahay ayaa qorshuhu yahay Maanta in lagu sameeyo Bandhig iyo Fantastiyo kala duwan. Cutubyo kala duwan oo Ciidamada katirsan ayaa dhoolatus ku samayn doona madaxda iyo shacabka hortooda sidoo kale ardeyda iyo shaqaalaha dowladda ayaa iyaguna soo bandhigi doona doorkooda maalintan. Dhalinyaro kala duwan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Baraha bulshada kusoo bandhigayey Sawiro muujinaya sida ay ugu weyn tahay 1-da August 1998-dii oo ah markii la unkay Puntland Maamulka Puntland oo iminka jirsaday 21sano ayaa waxaa soomaray 6-lix Madaxweyne oo uu ku jiro Saciid Cabdulaahi Deni kuwaaso lagu doortay nidaam barlamaani ah mana jirin madaxweyne hirig galiyey wareejinta xilka. Deegaanada maamulkasi uu ka arimiyo ayaa ka kooban Bari, Nugaal iyo qaybo kamid ah Gobolada Mudug Sool iyo Sanaag Inkastoo Sool iyo Sanaag ay kuwada muransan yihiin Somaliland iyo Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites