Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa kala qabsaday booliska iyo aabaha dhalay gabadhii lagu eedeeyay qaraxii xarunta gobolka?

Recommended Posts

Deeq A.   

MUqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Aabaha dhalay Gabadhii Indhoolaha aheyd ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir.

Sida ay ilo-wareedyo la socday dhacdadan u sheegeen Caasimada Online, aabaha dhalay Gabadhaan lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed, ayaa booliska ay waydiiyeen su’aalo ku saabsan Xogta gabadhiisa iyo waxa uu kala socdo in ay ka tirsaneed Al-Shabaab.

Aabaha dhalay Gabadha ayaa Booliiska u sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay uusan waxba kala socon Xaaladda Gabadhiisa islamarkaana magaca Basiiro aan la dhihin oo ay magac kale ay u yaqaanaan waalidkeeda.

“Gabadhayda waxaa iigu dambeysay dhowr sano ka hor mana ka warqabo Xaaladeeda, midda kale aniga Gabadhayda magaceeda waa Maryama Cabdi Maxamed mana la dhaho Basiiro” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha la sheegay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegeen dad goobjoog u ahaa kulanka.

“Yaan waxba layga weydiinin arrinta gabadhayda waayo markii aad qorateen iima sheegin, aniga idin makeenin, markii aad magaca ka badalateynna igalama tashan” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha Aragga naafadaha ka ah ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir.

Wali waxaa socda baaritaanka ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku aadan Kiiska Qaraxii 24kii bishaan ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 10 qof waxaana ku dhaawacmay 10 kale oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo in Basiira ay ahayd xaqiiqdii qofka isku qarxiyey xarunta gobolka, waxaana suurta-gal ah inay qeyb ka ahayd dhibanayaasha. Waxaa jirta gabar kale oo la socotay oo la tuhunsan yahay, oo iyana aan la hayn, islamarkaana baxsatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this