Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeesow oo shaaciyey ‘in uu Axmed Madoobe fuliyey’ dilkii xalay ee Suldaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaasoo ahaa Suldaankii Beesha Samaale, ayaa xalay ugu geeriyooday magaalada Kismaayo dhaawac kasoo gaaray kadib markii qof hubeysan uu halkaas ku toogtay.

Geerida Suldaanka waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka, isagoo mas’uuliyada dilkaasna dusha u saariyay maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Rag hubeysan ayaa marxuumka waxa ay ku toogatay Isgoyska Caasha Deerow ee xaafadda Dalacaadda, xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii maqrib.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in hubka loo adeegsaday dilka Suldaanka uu ahaa qori AK47 ah, isagoo tilmaamay in Shabaab ku dhiiran karin iney qori ku dhex sitaan Kismaayo, iyadoo rasaasta lagu toogtay marxuumka ay Saddex qof oo kale dhaawacyo ku noqdeen.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in marxuumka uu u geeiryooday arrimaha doorashooyinka ee ka jira magaalada Kismaayo, wuxuuna dowladda ka dalbaday iney baaritaano dhaba ku sameyso qaabka dilka uu u dhacay.

Geerida Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure),ayuu tilmaamay inaan la isaga hari doonin, isagoo ku sifeeyay marxuumka ruux noloshiisa ku soo qaatay isu keenida dadka Jubaland, balse Caawa dad Cadaw ah ay dileen.

Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this