Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo Mukhtaar Roobow oo gubay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Abal (Caadimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in la gubayo saldhigyo dhowr ah oo kooxda Al-Shabaab ay lahayd. Saldhigyada la gubay ayaa ku yaalla deegaanka Moodamoode oo ku dhow deegaanka Aba lee gobolkaas..

Saldhigyadan ayaa lagu gubay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan kuwa qalabka sida ee Soomaaliya, sida ay Caasimada Online ku heshay xog gaar ah. Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sawirro muujinaya dhacdadan.

Ciidamada Roobow ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin horleh oo hoos yimaada degaanka Abal oo muddo ay ku sugnaayeen.

Aadan Cabdi Abaarey oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Xudur oo howlgalkan hoggaaminayey ayaa sheegey in howl-gallo ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan degaano dhowr ah oo ka tirsan Bokool.

FB_IMG_1564497885048.jpg FB_IMG_1564497895214-1.jpg FB_IMG_1564497885048-1.jpg FB_IMG_1564497902246.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this