Deeq A. Posted July 31, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday nin cadaan ah oo u dhashay waddanka Ingiriiska. Ninkan oo lagu magacaabo Thomas Anthony Cox ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan. Mr Cox oo 48-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu khal-khalgelinaya ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan. Shaqsigan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu garoonka la galay aalado qarxa isaga oo aanan kusoo war-gelin laamaha amniga. Ugu dambeyntii, gudoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiskan, dibna laga soo sheegayo goorta dhagageysiga. Sikastaba ha ahaatee, 19-kii Junaayo ayay ahayd markii Cox la qabtay markii boorsadiisa laga helay sunta dadka ka ilmeysiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites